Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»AKHRISO: Fadeexad ay Soomaali ka danbeyso oo laga faafiyay Ilhaan Cumar [Sawirro & Caddeyn]

    AKHRISO: Fadeexad ay Soomaali ka danbeyso oo laga faafiyay Ilhaan Cumar [Sawirro & Caddeyn]

    August 16, 20163 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Saxaafadda Mareykanka qaarkeed ayaa dabagal iyo faafin ku sameysay  fadeexad guur oo lugaha la galeyso gabadha Soomaaliyeed ee dhowaan ku guuleystay doorashadii wareega koowaad ee Golaha degaanka Minnesota Ilhaan Cumar.

    Ilhaan ayaa ka guuleysatay  iyadoo ka adkaatay haweeney lagu magacaabo  Phyllis Kahn oo muddo dheer heysatay kursiga degmada 60B. Guusha Ilhaan kadib waxay qarka u saaran tahay inay doorashada November noqoto haweeneydii ugu horeysay ee oo doorto inay ka mid noqoto golaha sharci dejinta Minnesota.

    Warka fadeexada laga dhigay ayaa waxaa  markii hore soo qoray website Soomaaliyeed, waxayna ku saavsan tahay in Ilhaan Cumar ay walaalkeed guursatay si ay u keento dalka Mareykanka, guurkaas oo sharci darro ka ah Minnesota iyo diinta islaamka ee ay heysato.

    Website-ka Soomaalida ee qoray arrintan ayaa soo bandhigay sawiro iyo qoraalo ku saabsan arooska been abuurka ah oo laga diiwaan geliyay magaalada Minnesota, waxaana arrintan oo dad dhowr fekrado ka dhiibteen laga saaray website-kaasi (somalispot.com), laakiin waxay noqotay arrin ay dabagalaan saxaafadda arrimahan ku howlan, waxaana ay xaaladu mareysaa meel halis ah.

    Sheekada ku saabsan fadeexada lagala daba wareegayo Ilhaan Cumar ayaa su’aalo dhowr ah la iska weydiinayaa kuwaasoo ay ka mid yihiin:

    1. Ilhaan oo u dhaxda ninka lagu magacaabo Ahmed Hirsi oo ay guursatay 2002 , ayna u dhashay saddexda caruur ee ay leedahay. (Goormee ayay kala tageen?, sideese guurkooda ku dhammaaday, iyadoo la ogyahay inuu yahay ninka ay hadda u dhaxdo ee ku sawiran boggeeda shaqsiga ah).

    2. Guurka labaad waxaa la sheegay inay Ilhaan guursatay Nin lagu magacaabo Axmed Nuur Siyaad Cilmi sanadkii 2009-kii. (ninkan ayaa la sheegay inay walaalo yihiin, sidaasina uu ku tegay Mareykanka isagoo jaamacad ka galay US, kadibna muddo ku noolaa, kuna laabtay UK- Guurkan ayaa u muuqda mid ujeedkiisu ahaa in Ilhaan ay walaalkeed ku heysto mareykanka oo qura).

    Baaritaanka saxaafadda Mareykanka waxaa ka soo baxay in labada guur ee Ilhaan Cumar ay diiwaan gashan yihiin, isla markaana madaxa xafiiska arrimahan qaabilsan uu sheegay haddii ay dhacdo in Ilhaan ay guur la walaalkeed iyadoo guurkeedii hore jiro ay noqoneyso dembi lagu muteysan karo xabsi 6 sanadood ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 10,000 Doolar.

    Omar-Marriage

    Saxaafadda Gobolka Minneapolis ayaa wada baaritaan dheeraad ah oo ku saabsan arrintan, waxaana afhayeenka Ilhaan iyo madaxa ololaheeda la weydiiyay su’aalo ku saabsan arrinta, iyagoo sheegay inay tahay been abuur lagu doonayo in lagu waxyeelo sumcadda Ilhaan, dadka waxaas fidiyayna ay yihiin kuwo caddow ah oo diidan iyo haweeney Muslim ah oo ka timid Bariga Afrika ay ku guuleysato kursiga ay u loolameyso.
    Screen-Shot-2016-08-12-at-3.16.24-PM

    Screen-Shot-2016-08-12-at-3.16.40-PM

    Screen-Shot-2016-08-12-at-3.16.55-PM

    Screen-Shot-2016-08-12-at-3.17.14-PM

    Screen-Shot-2016-08-12-at-3.17.44-PM

    Wadani.com

    Ilhaan Cumar Ilhan Omar Minnesota MN Candidate Faces Scandal
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay weerar lagu dilay sarkaal sare oo Alshabaab ka tirsan
    Next Article Guddoomiyaha Hiiraan oo joojiyay shirarkii Odayaasha dhaqanka ee magaalada Beledweyne

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo