Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi ayaa sheegay inuu magacaabayo Guddidabagal ay ugu sameyn lahaayeen mashaariicdii uu soo dhagax dhigay ee Gobolladii uu booqday ee Bari, Nugaal, Mudug iyo Galgaduud.
Mashaariic fara badan ayuu madaxweyne Farmajo dhagax dhigay oo qaarkood hore loo dhagax dhigay, waxayna dad badan is weydiinayaan halka mashaariicdaasi looga helayo dhaqaalihii lagu fulin lahaa, iyadoo ay ku jiraan kaabayaal dhaqaale oo u baahan boqolaal milyan oo doolar.
HOOS KA AKHRISO 18-KA MASHRUUC EE MADAXWEYNAHA UU DHAGAX DHIGAY:
-
Wado Laami isku xirta Garoowe & Eyl (222km)
-
Wado Laami isku xirta Kala Bayr & Caluula(376km)
-
Wado Laami isku xirta Galkacyo & Hobyo (264km)
-
Wado Laami isku xirta Hobyo & Caabudwaaq (355km)
-
Dayactirka laamiga isku xira Dhuusamreeb & Gaalkacyo (235km)
-
Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta-Gaalkacyo-Galmudug
-
Xabsiga dhexe ee Galmudug – Galkacyo
-
Xarunta xanaaneynta agoonta Ahlusuna – Dhuusamareeb
-
Dugsiga Farsamada Gacanta – dhuusamareeb
-
Dhismaha Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb
-
Dhismaha xabsiga magaalada Dhuusamareeb
-
Dhismaha Jaamacadda Umadda Gaalkacyo
-
Dhismaha Jaamacadda Umadda Cadaado
-
Dhismaha Jaamacadda Umadda Dhuusamareeb
-
Dhismaha Jaamacadda Umadda Caabudwaaq
-
Dhismaha Xabsiga Caabudwaaq
-
Garoonka diyaaradaha Cadaado
-
Dhismaha Dekedda Hobyo