Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta loo doortay wasiirkii hore ee Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya doorasho si weyn loogu loolamay oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.
HOOS KA AKHRISO TAARIIKHDA GUDDOOMIYAHA CUSUB
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waa 61-sano jir ku dhashay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, sanadkii 1957-dii
Waa uu waxbarashadiisa aas-aasiga ah uu ku qaatay gudaha dalka, wuxuuna Dugsigiisa sare wuxuu uaa baxay Iskuulka Sheekh Aweys ee Baydhabo ee caasimada.
Wuxuu ka qalin jebiyay Jaamacadda culuumta iyo Tiknoljiyadda ee Yemen sanadkii 2014kii.
Wuxuu soo qabay xilal ay ka mid yihiin:
Wasiirka Hantida Qaranka iyo Qalabeynta
Wasiirka Tamarta iyo Biyaha
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa 2011-kii loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee Turkiga, jagadaasi uu hayey wax ka badan 5 sano.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa loo magacaabay Nov. 2017
Todobaadkii ayuu iska casilay xilka Wasiirka Gashaandhigga xukuumada Federaalka Soomaaliya
Waxaa maanta oo ah 30-la April 2018 loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.