Kooxda Alshabaab ayaa isu soo bax weyn iyo bandhig ugu dabaaldegtay maalintii koowaad ee Ciidul Adxaa magaalada Jilib ee Gobolka J/dhexe, iyadoo halkaasi ku soo bandhigay fantasyo iyo ciyaaro kala duwan.
Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu yimid fagaaraha degmada Jilib , iyadoo dadweynuhu ku tukadeen salaadda ciidda, laguna soo bandhigay bandhig ciyaareed ballaaran. dadweyne isugu jira rag, dumar, caruur iyo waayeelo ayaa ka soo qeybgalay bandhigga, kuwaas oo ka kala yimid degmada iyo deegaanada ku xeeran.
Maleeshyada Alshabab ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhoolatus ku soo bandhigay wadooyinka waaweyn ee magaalada, waxaana goobta kasoo muuqday waalia Jubbooyinka.