Maleeshiyada Alshabaab ayaa saaka saddex weerar ka fulisay Gobolka Sh/hoose, kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya aya shaaciyeen inay shalay la wareegeen tuulooyin hoostaga degmada Qoryooley.
Saldhigga Ceel Saniini
Alshabaab ayaa weerar qarax is-miidaamin ku biloway ku qaaday saldigga ciidamada dowladda Ceel-saniini, halkaasoo dhowr jiho ay la weerarreen, waxana sheegteen inay la wareegeen saldhiggaasi, ayan qasaare weyn gaarsiiyeen ciidamadiid owladda, iyagoo ka furtay hub iyo saanad.
Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in Al-Shabaab Khasaare lagu gaarsiiyay weerarka Ceel-Saliini,kadib markii ciidamada Xoogga dalka oo ka feejigan ay weerar kusoo qaadeen Al-Shabaab, laguna gaarsiiyey Dhimasho iyo dhaawac, iyadoo aan faafhaahin kale la bixin.
Dadka degaanka ayaa sheegay in Alshabaab ay la wareegeen saldhigga ayna burburiyeen gaadiid ku sugnaa, balse weerar rogaal celis ah ay ciidamada dowladda dib ug qabsadeen sladhigga iyadoo dagaal culus dhex maray laabda dhinac.
Degmada Qoryooley
Aroortii saaka ayaa weerar kale Alshabaab ku qaadeen degmada Qoryooley, waxaana la sheegay inuu ku bilowday Gawaari qaraxyo siday, iyadoo qarax lagu burburiyey Buundada Degmada, kadibna wuxuu dagaal culus oo saacado socday dhex maray ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo Alshabaab.
Maamulka Sh/Hoose iyo degmada Qoryooley ayaa sheega inay ka hortageen weerarka Alsahbaab ayna ka dileen 3 xubnood, laga furtay dhowr qori, iyadoo uu waqti dheer qaatay dagaalkaasi.
Alshabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay degmada Qoryooley, isla markaana ay ku dishay ciidamo, inkastoo aan wax tiro ah la sheegin, haddana warbaahinta Alshabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen degmada.
Xaawo Cabdi
Dagaaal kale ayay isla maanta Alshabaab ku qaadeen inta u dhaxeysa Lafoole iyo degaanka Xaaw Cali, iyadoo dadka degaanka ay soo sheegeen in Labo qarax lala beegsaday ciidamo gurmad ah oo baxay magaalada Muqdisho oo ku wajahnaa degaanka Ceel-saliini.
Qaraxyada oo ahaa miino loo dhigay ciidamadaas ayaa qasaare dhimasho iyo dhaawac leh kasoo gaaray, iyadoo qaraxada kadib rasaas xoog leh halkaasi ka dhacday.
Weerarrada Alsahbaab ayaa imaanaya iyadoo Taliska Ciidamada Xoogga Dalka uu shaaciyey howlgal Ciidamada dowladda ku qabsadeen deegaanada Dharsheenley, Bandar, Farkeerow, Xero koowaad iyo Xero labaad oo kamid ah tuulooyinka hoostaga Degmada Qoryooley.