Qeybta Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay muuqaallada dagaalkii ay ku qaadeen saldhigga ciidanka dowladda ee degaanka Ceel saliini, agagaarka magaalada Marko ee Gobolka S/Hoose.
Sawirrada ay Alshabaab baahisay ayaa ah gaadiidka dagaal iyo saanad milateri ee ay ku qabadeen weerarkii saldhigga Ceel-saliini oo ay hore u sheegeen inay ku dileen 41 ka mida ciidamada Dowladda Soomaaliya, balse saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay in lagu dilay ilaa 20 askari.
Gaadiidka waxaa ka muuqda laba gaari oo Cabdi bille ah ayna saaran yihiin qoryaha Boobaha culus ee Dhakishaha, waxaa kaloo ka muuqday laba qori oo Baasuuke ah, qoryaha BMK iyo kuwa fudud ee AK 47, rasaas kala duwan iyo qalab ciidan.
HOOS KA DAAWO




