Kooxda Warbaahinta Alshabaab ee loo yaqaan Alkataa’ibĀ ayaa baahisay muuqaal cusub oo ku saabsan weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen degaanka Bariire ee Gobolka Sh/Hoose bishii Ogost ee sanadkii hore 2017 oo hadda sanad laga joogo.
MUuqaalka oo soconaya muddo 33 daqiiqo ah ayaa lagu diyaariyey luqadaha Soomaaliga iyo Carabiga. Filimka waxaa ka muuqda in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay cagta mariyeen saldhigga oo ciidamo badan ku jireen, isla markaana qasaare weyn ay gaarsiiyeen ciidamadii dowladda iyadoo ku qabsatay hubkii iyo gaadiidkii ugu badnaa.
Weerarka Bariire ayaa ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee ciidamada dowladda la kulmeen intii uu xilka qabtay madaxweyne Farmaajo, waxaana la yaab leh inaysan dowaldda iyo AMISOM wax jawaab celin ah ka bixin, sida weerarkii 14-ka Oktoobar ee Soobe oo dadkii ugu badnaa ee Soomaali ah oo gaaraya 600 lagu xasuuqay.