Odayaasha Beesha Cumar Maxamuud ayaa caawa soo saaray qoraal kulul oo ay ku sheegeen inay qaadaceen oo sharci darro ay yihiin Guddiga soo xukaya ergada labada kursi ee Beeshaasi.
Qoraalka oo kasoo baxay Islaanka Beesha iyo odayaasha waaweyn ee dhaqanka ayaa loogu digay madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni inuu boobo kuraasta Beesha, iyagoo wixii ka dhasha shaaciyey inuu qaadi doono Siciid Deni.
Akhriso Qodobada ugu muhiimsan war-saxaafadeedka
Beesha Cumar Maxamuud, waxay ka xun yihiin in Madaxweynuhu uu si bareer ah ugu takri-falay habraacyadii doorashada, ixtiraami waayeyna kulamadii Islaanka, isimada iyo cuqaashii weheliyey, taas oo si bareer ah u baalmarsan nidaamka doorashada, habraacyadii doorashada iyo wada hadaladii beeshu la yeelatay Madaxweynaha Puntland.
Go’aamada Beesha Cumar Maxamuud:
1. Isimada Beesha Cumar Maxamuud waxay caddeyayaan in liiska Odayaasha iyo Xubnaha Bulshada Rayidka ah ee Guddiga Doorashooyinku shaaciyeen maanta oo ay taariikhdu tahay 16/3/2022 aysan ahayn: Xubnihii ay soo xuleen isimada iyo nabadoonada Beesha Cumar Maxamuud.
2. Waxaan cambaareyneynaa xad-gudubka iyo gacan.dhaafka uu Madaxweynaha Puntland uu kula kacay Beesha Cumar Maxamuud taas oo uu ugu talo-galay inuu ku kala qeybiyo Beesha dhexdeeda.
3. Kuraasta 198 iyo 199 waxaa dooranaya ergada Beesha Cumar Maxamuud oo ay soo xuleen guddiga xulista ergada ee dhaqanka beeshu ku soo magacaabeen shirkii Beesha 26 Janaayo 2022, Galakacyo.
4. Isimadu waxay caddeynayaan inaan waxba ka jirin ergada laga qoray suuga, aysana ahayn ergadii Beeshu qeybsatay ee laga soo xulay jufooyinka Beesha.
5. Isimada Beesha Curnar Maxamuud waxay adkaynayaan in la qabto doorasho daah furan oo waafaqsan heshiiyadii iyo habraacyadii doorashooyinka ee la saxiixay intii u dhaxeysay 2020-2022,
6. Isimada Beesha Cumar Maxamuud waxay go’aamiyeen in murashaxiinta beeshu aysan ka qeyb gelin xulashooyinka socda ee ku saleysan boobka, lana aqbali doonin cidii ku soo baxda fowdada hadda jirta.
7. Isimada Beesha Cumar Maxamuud waxay ku baaqayaan in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka Beesha.
Digniin:
1. Beesha Cumar Maxamuud waxay ka digaysaa qalaalase ka dhasha BOOBKA kuraasta 198 iyo 199, kaas oo waxyeeli kara amniga Puntland.
2. Beesha Cumar Maxamuud waxay caddeyneysaa in wixii dhib ah oo ka yimaada boobka kuraasta 198 iyo 199 uu masuuliyadeeda qaadi doono: Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.
