Ciidamada AMISOM ee ka kala socday dalalka Burundi iyo Jabuuti oo ay wehliyaan ciidamada Xoogga ee Milaterige Soomaaliya ayaa la wareegay degaano dhowr ah oo u dhaxeeya Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Ciidamada huwanta ah ayaa la wareegay degaanka Fiidow oo ku yaalla Xadka kala qeybiya laabda Gobol ee Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan iyo degaanada kale sida Dhiin-Garas, Fiidow, Maquudaale iyo Killiga Shiinaha.
Degaanada ay maanta la wareegeen ciidamada ayaa muddo saddex sano ka hor 2015 ay isaga baxeen, iyadoo markaas kadib ay gacanta ku hayeen Ashabaab, waxaana u yaallay isbaaro ay lacag uga qaataan gaadiidka.
Howlgalkan ciidamada huwanta ah ayaa la sheegay inuu ujeedkiisu yahay sidii la isugu furi lahaa wadadda isku xirta Jowhar iyo Buulo Burde oo mudd sanado ah u xirneyd Alshabaab, iyadoo magaaloyin dhowr ah ay go’doon ku jireen.