Ciidamada AMISOM iyo  milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka baxeen laba fariisin ay ku lahaayeen Gobolka SH/hoose, kadib markii ay soo baxday cabsi weerar ay ku soo qaado kooxda Alshabaab.
AMISOM waxay ciidamadeeda kala baxday degaanka Toora-torow ee Gobolka Sh/hoose, halkaaso oo xarun weyn u ahayd Alshabaab lagana qabsaday laba toddobaad uun ka hor, waxayna wararka degaankaasi laga helayo sheegayaan in maleeshiyad Alshabaab ay ku soo dhowaadeen degaankaasi.
Dhinaca kale ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa ka baxay  degaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose  oo shalay uun ay dib ula wareegeen kadib dagaalkii cuslaa ee Alshabaab ku qabsatay Jimcihii. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada ayaa sheegay in xeelad milateri looga baxay labada saldhig iyadoo ay jirto miinooyin badan oo lagu aasay.
Ciidamada is kaashanaya ayaa la sheegay inay fariisin ka dhigteen degaank u dhow Leego uu  5KM wax ka badan u jira. Ciidamada AMISOM ee shalay tegay Leego ayaa ahaa kuwo ka kala socda Uganda Iyo Itoobiya iyadoo aanay ku jirin ciidamo Burundi ah oo qasaare lixaad leh ku gaaray weerarkii Alshabaab ee Jimcihii.
Al-shabaab ayaa sii kordhisay weerarda ay ku qaadayaan xarunta Ciidamada AMISOM, waxaana laga cabsi qabaa bishan ramadaan inay dhacaan weeraro kale.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]