Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Axmed Yuusuf Muumin “Siraaji” ayaa ka jawaabay qoraalkii kasoo baxay Hanti dhowrka Guud ee Qaranka Nuur Faarax oo ku saabsanaa ku dhaqanka Miisaaniyadda dowladda ee sanadkii 2014 oo dhowaan ay ansixiyeen Golaha wasiirada shirkoodii ugu danbeeyay, lana filayo in la horkeeno baarlamaanka.
Xisaabiyaha guud ayaa qodob qodob uga jawaabay eedihii uu soo jeediyay Hanti dhowrka guud ee ku saabsanaa inay xukuumaddu baal martay miisaaniyadii loo dejiyay sanadka 2014, waxayna arrintan ka dambeysay markii hanti dhowrku qoraalkiisa u kala diray madaxda sare ee dalkka oo uu ku jiro guddoonka Baarlamaanka.
Wasaarada Maaliyadda oo hanti dhowrka Qaranka ay is hayaan ayaa u muuqata inay Xisaabiyaha guud u adeegsanayso si ay isaga difaacdo hanti dhowrka.
HOOS KA AKHRI QORAALKA JAWAABTA AH EE XISAABIYAHA GUUD
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]