Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ayaa Sheegaya in qasaare baaxad leh ka dhashay weerarkii ay xalau saqdii dhexe kooxda Alshabaab ku qaaday Xero milateri oo lagu magacaabo Jeneral Daa’ud oo tababar lagu siinayay ciidamado uu uruiyay maamulka Axmed Madoobe, kuna taalla duleedka magaalada Kismaayo.
Alshabaab ayaa la sheegay inay dhowr jiho ka weerareen xeradaasi ayna qabsadeen iyagoo dil gowrac ah iyo qasaare weyn gaarsiiyay ciidamadii halkaas ku jiray oo la sheegay inay xilligaas hurdeen intooda badan.
Wararka ugu danbeeyay ee weerarkaasi ayaa sheegaya inay dhinteen ciidamo aan tiradooda la shaacin, Â iyagoo qabsday tiro kale oo ciidamo ah una kaxeystay maxaabiis ahaan. Ila hadda waxaa xerada yaalla sida la sheegay saddex askari oo Shabaabku gowraceen.
Maamulka Jubba ayaa ka gaabsaday inay  ka hadlaan dagaalkaasi iyo khasaaraha dhinacooda, waxayna sheegeen inay xaalada qiimeynayaan, iyadoo ciidamo gurmad  ah loo diray halkaasi.
Alshabaab oo bishan ramadaan balan qaaday inay kordhin doonto weerarada ay qaadeyso ayaa la timid qorsheyaal cusub oo weeraro xoog leh ku ekeysay xerooyin ciidan oo si weyn loo ilaaliyo iyadoo qasaaraha ka dhasha uu yahay mid ciidan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]