Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay kala eryeen dad taageerayey musharax Mukhtaar Roobow oo diyaarinayey xaflad ku qabsan lahaa hotel ku yaalla magaalada Baydhaba.
Taageerayaasha Wadaadka musharaxa ah ee Mukhtaar Roobow Cali ayaa laga joojiyey xafladii ay qabsan lahaayeen, iyagoo qaarkood oo isku dayey inay iska dhega tiraan amarka ciidamada awood lagu kala eryay.
Arrintan ayaa ka danbeysay amar shalay kasoo baxay taliyaha ciidamada Booliska magaalada Baydhaba Jen. mahad C/raxmaan Aadan oo sheegay inaan la ogoleyn isu soo baxyo iyo shirar ka dhaca magaalada Baydhaba oo aan amar looga heysan ciidamada Booliska iyo maamulka K/Galbeed.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Musharax Mukhtaar Roobow iyo taageerayaashiisa laga hor istaagay shir ay ku qabsan lahaayeen magaalada.