Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Nabadsugidda ayaa howlgal qorsheysan ku gaaray degaanka War-xoolo oo ka tirsan Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.
Degaankan ayaa waxaa gacanta ku hayey Maleeshiyaadka Alshabaab, waxayna dadka degaanka sheegeen inay ka war heleen ciidamada kusoo socda oo ay isaga baxeen halkaasi.
Ciidamada Milateriga ayaa la sheegay inay halkaasi ka dejiyeen Calankii Madoobaa ee Alshabaab, laguna gubay goob fagaare ah oo ay isugu soo baxeen dadka degaankaasi oo cadaadis weyn kala kulmayey Alshabaab.
Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad Gen. Mascuud Maxamed Warsame ayaa bulshada degaanka War-xoolo kula hadley goob fagaare ah, waxayna u sheegeen in la gaaray xilligii ay Alshabaab laga xoreyn lahaa degaanada Galmudug.
Howlhalkan ayay sidoo kale ciidamadu ku gaareen Deeganada Ceelgod iyo Warro-Dhuuma-leh oo dadka degaanadaasi ay ay soo dhoweeyeen ciidamada.
Lama oga in ciidamada maanta gaarey degaanada ka tirsan degmada Ceelbuur ay sii joogi doonaan iyo inay dib uga laaban doonaan.







