Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee fadhigoodu ahaa Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa gaaray Gobolka Hiiraan, gaar ahaan degaanka Yasooman.
Ciidamada oo ka tirsan guutada 15-aad ee qaybta 21-aad oo ka ruqaansaday saldhigyadooda Guriceel ayaa safar dheer kadib waxayna maanta gaareen degaanada Yasooman iyo Beero-yabaal oo dagaallo culus ay shalay ku dhex mareen ciidamada dowladda, kuwa degaanka iyo Alshabaab.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan loo diray gobolka Hiiraan si ay gacan uga gaystaan dagaalka Alshabaab oo halkaasi culeys weyn saartay, waana gurmadkii ugu horeeyay ee ciidamada dowladda oo laga diro meel ka baxsan Gobolka Hiiraan.
Hore waxaa magaalada Dhuusamareeb uga baxay Ciidamada ururka 3-aad ee Gorgor oo hadda fadhigoodu yahay Degaanka Yasooman, waxay qeyb ka ahaayeen dagaaladii lala galay Alshabaab.
Waxaa cidamadan maanta gaaray Gobolka Hiiraan hoggaaminayey Taliyaha Guutada 15-aad ee qaybta 21-aad Gaashaanle Cabdifataax Haruuuse Daahir, waxaana saraakiisha kale ee la socda ciidankan ka mida: Taliye kuxigeenka guutada Gaashaanle Xirsi Cali Quuri, Taliyaha ururka 72-aad ee guutada 15-aad Gaashaanle Cabdulaahi Dhimbil, gudoomiyihii hore ee Degmada matabaan Maxamed dhoobeey Maxamuud iyo saraakiil sare oo ka tirsan qaybta 21-aad.
