Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada xasilinta laga qaaday mid ka mida wadooyinka muhiimka ah ee magaalada, kadib 48 saacadood amarkii kasoo baxay Guddiga Amniga Qaran ee uu guddoomiyo Madaxweyne Farmaajo.
Jidka Wadnaha oo ciidamada xasilinta ku lahaayeen jidgooyada ugu badan isla markaana si joogto ah loo xiri jiray, iyadoo laga ilaaliyo Jidka kale ee Maka Almukarama ayaa haawaneysa saaka, kadib markii xalay laga qaaday ciidamadii fadhiyey.
Isu socodka labada jid ee ugu muhiimsan magaalada Muqdisho Maka Almukarama iyo Wadnaha ayaa caadi ku soo noqday, inkastoo aan la ogeyn inay sii socon doonto arrintan iyo inkale, waxaana isla shalay ay ciidamadu xireen Wado kale oo muhiim ah taasoo marta dhinaca Bari ee Guriga Hooyooyinka.
Furitaanka Wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa ka jira hubanti la’aan ku saabsan cidda amarka leh iyo cidda ay hoostagaan ciidamada xasilinta iyadoo amarro hore oo madaxweynaha kasoo baxay ay fuli waayeen.