Ciidamo hubeysan oo taabacsan guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa la sheegay inay galeen qeybta sare ee xarunta Baarlamanka.
Ciidamadan oo lagu qiyaasay dhowr iyo toban culus ayaa qaarkood ay wataan Qoryaha Boobeyaasha culus, waxaana la sheegay inay si lama filaan ah ugu gudbeen xarunta iyagoo ka yimid guriga Mahad Cawad kadibna ay fuuleen qeybta sare ee Baarlamaanka.
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in saraakiisha amniga ay la tacaalayaan ciidamadan gaarka ah si meesha looga saaro, waxaana la hakiyey in xildhibaannada ay gudaha u galaan Baarlamaanka marka laga reebo koox yar oo bilowgii gudaha u galay.
Ujeedka ciidamada taabacsan Mahad Cawad u galeen dhinaca sare ee xarunta ayaan la ogeyn, waxaana loo maleynayaa inay tahay khalkhal amni iyo in shirka Baarlamaanka lagu joojiyo.