Xoogagga Daalibaan ayaa burburiyey taallo loo dhisay hoggaamiye maleeshiyo Shiico ah oo hore ula dagaalamayintii uu socday dagaalkii sokeeye ee Afganistan ka dhacay 20 sano ka hor, sanadihii sagaashameeyadii.
Sida ay muujinayhana muuqaallo la dhigay baraha bulshada maanta oo muujinaya in Taallada muuqaalka Abdul Ali Mazari laga qaaday fagaare ay saarneyd oo la qarxiyey, waxaana ninkan dilay Daalibaan sanadkii 1996-dii.
Cabdul Cali Mazari wuxuu ahaa qabqale dagaal oo kasoo jeeda Qowmiyadda Hazara ee laga tirada badan yahay ee Afgaanistaan, waana Shiico la sheegay inay Daalibaan si weyn ula dagaalantay xilligii uu jiray taliskoodii hore.
Taaladu waxaa laga dhisay bartamaha Gobolka Bamyan, oo lagu xusuusto inay Daalibaan ku qarxiyeen sanadkii 2001 Laba taallo iyo Sanamyo waaweyn oo 1,500-sano jiray, wax ya ka hor dagaalkii Maraykanku ku qaaday dalkaasi.
Daalibaan ayaa dib ugu soo noqotay awoodda toddobaadkii hore ka dib markii ay qabsadeen inta badan dalka Afghabista maalmo gudahood, wax ka yar saddex toddobaad ka hor inta uusan Mareykanku qorshayn in uu dhammaystiro bixitaankiisa ciidammada.
Kooxda Daalibaan ayaa ballanqaaday Bogcusub oo nabad iyo amni ah, iyagoo sheegay inay cafin doonaan kuwii la dagaallamay, isla markaana ay haweenka siin doonaan xuquuq buuxda oo waafaqsan shareecada Islaamka.
