Dhaqdhaqaaqa Daalibaan ee la wareegay inta badan dalka Afghanistan ayaa shaacisay inay dagaal-yahanadeeda ay hareereeyen maleeshiyadka ku sugan Dooxada Panjshir ee uu hoggamiyo Ahmed Shah Mascoud.
Waxay Daalibaan caddeysay inaysan dagaal dooeynin haddii aan lagu qasbin, balse ay waanwaan iyo wadahadal ku xaliyaan ciidamada isku urursaday Dooxadaasi, ayna is dhiibaan, arrintaas oo wadhadalkeeda uu horkacayo Guddoomiyaha Golaha Dib u heshiisiinta Cabdalla Cabdalla.
Cutubyo ka tirsan askarta dowladdii hore iyo maleeshiyo ayaa isku urursanayey Dooxada Panjshir, ee waqooyi magaalada Kaabul, halkaas oo ah meel caan ku ah Daalibaan diidka iyo ka hor imaanshaha xukunkeeda.
Afhayeenka Daalibaan Dabixullah Mujaahid, ayaa sheegay inay saddex dhinac ka hareereeyen dooxada. “Imaaradda Islaamiga ah waxay isku dayeysaa in si nabad ah loo xaliyo arrintan,” ayuu yiri Afhayeenka.
Hadalkan ayaa imanaaya kadib warbixino xalay soo baxay oo sheegayey in ciidanka Daalibaan ay buuxiyeen Dooxada Panjshir oo ah mid ka mid ah meelaha kooban ee Afghanistan oo aysan kooxda gacanta ku hayn.
Ahmed Massoud, oo uu dhalay taliyihii caanka ahaa ee Mujaahidiinta Afghanistan, Ahmed Shah Massoud, ayaa Panjshir ku ururiyey ciidan gaaraya 9,000 oo askari, sida uu AFP u sheegay Ali Maisam Nazary oo ah afhayeen u hadlay kooxdan.
Sawirro ay qaaday Wakaalada Wararka ee AFP ayaa muujinaya dagaal-yahanada kooxda oo dhoola-tus iyo tababar ciidan sameynaya. Nazary ayaa sheegay in kooxdooda diyaar u yihiin inay dagaalamaan haddii ay lagama maarmaan noqoto.

