Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Mahad Cabdalla Cawad shaaciyey in howshii dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya u la wareegay urur NGO oo Mareykan ah.
Wuxuu sheegay in dad fara badan laga qaaday fekerkooda Dastuurka balse aanay ogeyn meel ay ku danbeeyeen, isla markaana aanay waxba kala socon Guddiyadii Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka.
Mahad Cawad ayaa sheegay in in Guddiga kor-joogteynta dib-u-eegista dastuurka ee labada Aqal ee baarlamaanka fadaraalka iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista iyo hergalinta Dastuurka aysan jirin wax gacanta ugu jira, isla markaana hay’addaas Mareykanka aysan cidna u ogolayn xogta ay heyso.
Wuxuu dalbaday Mahad Cabdalla Cawad in shirka la filayo in uu baydhabo ka dhaco bishan 28-keeda oo ay ku kulmayaan madaxda dowlada fadaraalka iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaraalka.
HOOS KA DAAWO