Hay’ada Qaabilsan qurxinta kacbadda Barakeysan ee Maka Almukarama ayaa dib u habeyn ku sameysay Daaha ku wareegsan Kacbada oo ka sameysan dhar qaali ah iyo xariir naadir ah, kaasoo sanad kasta lagu sameeyo dib u qaabeyn inta aan la gaarin xajka.
Dharkan qiime sare ku fadhiya ayaa xilliya xajka lagu jiro sare loo qaadaa ilaa 3 Mitir, taasoo ay ugu wacan tahay xujeyda oo si weyn ugu tartama inay dhunkadaan Kacbada qaarkoodna ay isku dhejiyaan oo laga fulin waayo, taasoo looga baqo inay waxyeelo u geystaan dharkaasi.
Howlgalkii dib u habeyn Daaha ku wareegsan Kacbada kor loogu qaadayey waxaa ka qeyb galay madaxda hay’adda adeegga kacbada iyo shaqaalaheedam waana shaqo sanad waliba la sameeyo iyadoo marka dherer dhan 3 Mitir kor loo laabo Daaha waxaa soo baxay dhinacsiisa hoose oo leh midab cad, halka qeybta hoose ay dibadda u soo baxeyso dhismaha kacbada oo mutuneel madow xigeen ah ka sameysan.
DAAWO SAWIRRO