Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal maalin ah ku tegay magaalada Baydhaba oo ay ka socdaan soo xulista Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxaana socdaalkiisa ku wehliyay xubno ka socday golayaasha dowlada iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhaba.
Ujeedka socdaalka madaxweynaha ayaa ahaa inuu odayaasha dhaqanka culeys ku saaro dedejinta soo xulista xildhibaanada iyo taageerida Shariif Xasan waxaana kulamo uu la qaatay odayaasha iyo maamulka K/galbeed kadib uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA BOOQASHADA MADAXWEYNAHA EE BAYDHABA
Wadani.com