Falal Amni darro iyo howlgllo amni ayaa saacadihii ugu dambeeyay ka dhacay caasimadda Muqdisho, iyadoo la dilay Oday nabaddoon ah, halka gacanta lagu soo dhigay xubno ka tirsan Alshabaab iyo koox Burcad ah.
Booliska Soomaaliya ayaa xalay Muqdisho ku soo bandhigay koox ka kooban laba rag oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Alshabaab, waxayna wateen Hub kala duwan iyo Mooto Bajaaj ay k howl galayeen.
Labadan qof ayaa ayey Boolisku sheegeen in shalay lagu kala qabtay degmooyinka Kaaraan iyo Deyniile xilli ay damacsanaheen inay fuliyaan falal amni darro, waxaana loo gudbiyey shacriga.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay dilka Nabaddoon Xersi Cali Diirshe oo xalay la togtay xilli uu kasoo baxay Masjid, salaadii Cishaha, wuxuuna dilkan k dhacay degmad Heliwaa ee magaalada Muqdisho. Alshabaab aya asheegtay in ninkan uu ka mid ahaa maamulka degmada Heliwaa.
Sidoo kale Ciidamada Boliiska degmada Yaaqshiid ayaa gacanta ku dhigay laba ruux oo hubeysan kuwaas oo lagu sheegay inay ahaayeen Burcad dadka dhacda, laguna soo qabtay falal ay gacanta kula jireen.
