Wasiirka Amniga Dowladda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa si weyn u dhaliilay weriye Haaruun Macruuf Xasan oo ka howlgala Idaacadda VOA laanteeda Afka Soomaaliga.
Weerarka Wasiirka ka danbeeyay kadib markii uu Haaruun baahiyay warar ku saabsan qarixii maanta ka dhacay afka hore ee dekadda Muqdisho oo lagu laayay dad u badan rayid, waxaana weriyaha uu soo xigtay war ay Alshabaab kasoo saartay Qaraxa oo ay ku sheegtay inay askar ku leysay.
Wasiir C/risaaq ayaa mugdi geliyay xirfadda Weriye Haaruun Macruuf isagoo sheegay inay su’aal dulsaaran tahay xirfadiisa weriyenimo, wuxuuna wasiirku weydiiyay Haaruun: “Dhinacee la jirtaa? waxay dileen shacab aan waxba galabsan, mana ahayn murtadiin ku sugnaa saldhig ciidan, waxaan su’aal gelinayaa xirfadaadda aad wax ku qiimeysay”
which side are you, they killed innocent civilians not opstate in a security station. I question your professional judgement
— INTERNAL SECURITY MN (@MoIS_Somalia) December 11, 2016
Weriye Haaruun Macruuf ayaa ku jawaabay iskuna difaacay inuu laba dhinac ee dowlada iyo Alshabaab wararkooda sheegay ayna tahay qaabka saxafigu u shaqeeyo. Arrintii way ka sii dartay, wuxuuna Haaruun sheegay inaysan jirin cid ka hor istaagi karta inuu tebiyo dhacdooyinka soona xigto dhinacyada oo dhan. Wuxuuna intaas ku daray in su’aal ku taagan tahay kuwa shaqadooda tahay inay shacabka difaacaan (Dowladda).
Nothing will stop me covering stories from all angles; Qs should be directed at those tasked w/ protecting civilians https://t.co/HwzD0XePvq
— Harun Maruf (@HarunMaruf) December 11, 2016
Dadweyne iyo shaqsiyaad fara badan oo ay ku jiraan weriyeyaal Ajnabi ah ayaa u hiiliyay Haaruun Macruuf, waxayna arrintii isu bedeshay in la wada weeraro Wasiirka Amniga Gudaha oo isna taas bedelkeed boggiisa twitterka ka masaxa qoraaladii ay is weydaarsadeen Weriye Haaruun.
Wadani.com