Ciidamada Amniga ayaa dilay askari toogasho ka geystay degmada kaaraan ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu galay Guri la degan yahay isagoo dagaal kala hor yimid ciidamadii doonaney inay qabtaan.
Falkan ayaa ka dhacay xaafadda Faanoole ee degmada Kaaraan, kadib markii askarigan uu dilay darawal Mooto Bajaajle ah oo la sheegay inuu muran soo kala dhex galay, kadibna wuxuu ku cararray Guri ku yaalla isla Xaafada Faanoolle ee Degmadaasi Kaaraan, laakiin waxaa ka daba tegay ciidamada oo isku gedaamay Guriga.
Ciidamada Amniga ayaa Guriga ka saaray dadkii ku jiray, waxaana askariga dhex maray dagaal socday saacado, kaasoo markii danbe ay ciidamadu toogteen askariga dilka geystay ee ka dhex dagaalamayey Guriga uu galay.
Falkan ayaa si weyn looga dareemay xaafadda uu ka dhacay, waxaana isugu soo baxay dadweynaha xaafadaasi, iyadoo muddo 3 saacadood ah uu socday howlgalka.