Dowladdu waxay caayeysaa garaadka dadkeenna. 3 jeer ayaa dib loo dhigay dacwadda baddeenna ay Kenya nagu haysato.
Si kale haddii loo dhigo, ma jirto hal tallaabo oo horay loo qaaday oo arrintaas la xiriirta tan iyo intii ay dowladda jirtaahi talada qabatay.
Taas baddelkeeda waxaa loo nuglaaday Kenya oo mar walba rabitaankeeda la tix gelinayay.
Saddexda jeer ee dacwadda dib loo dhigay waxay ku dhacday codsiga Kenya. Dowladdu waxay sheegeysay in ay diiddan tahay dib u dhigistaas, mase jirin wax caddeynaya in ay diiddan tahay.
Daahfurnaanta arrintani aad ayay u yarayd walina u yartahay waxaana ku gedaaman shaki iyo mugdi badan.
Waxaa muuqata in xukuumaddu arrinta badda u adeegsatay dicaayad iyo in ay isu muujiso in ay shaqo fiican hayso, balse wax kasta oo ay sameysay waxay dhalinayaan shaki weyn.
Dadkii faylkan gacanta ku hayay waa la kala diray sida Xeer Ilaaliyihii guud iyo qareennadii Soomaaliyeed ee kartida lahaa. Bulshada lalama wadaagin dadkii lagu baddelay, ka qeyb galkii bulshada rayidka ah iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed waa la joojiyay, mana jirto xog shacabka lala wadaagay oo ku saabsan kiiskan.
Shacabka Soomaaliyeed waa ka garaad badan yahay in loo been guuro oo hadba loo sheego sheeko darfo go’an.
Qaddiyadda baddu way ka weyn tahay wax ay madaxdu isku koobaan. Waa masiir ummadeed oo ay shacabka oo dhami u dheg taagayaan.
Mudane Madaxweyne, Dadka Soomaaliyeed waxay kaa filayaan dhiirranaan iyo daahfurnaan intaan ka badan iyo in aad u caddeyso xaqiiqda qaddiyadda badda.
W/Q: Amb: Dahir Maxamuud Gelle
