Dunida Muslimka ayaa laba qeybood ugu kala baxday Ramadaanka sanadkan 1441H, iyadoo inta badan ay caawa go’aaminayaan inay Berri Soon tahay iyo in kale.
Dalalka Khaliijka Carabta sida Sacuudiga, Qatar, Imaaraadka, Syria, Jordan, Aljeria iyo dalal badan oo Soomaaliya ka mid tahay ayaa maqribnimada maanta oo Khamiis ah raadinaya dhalashada Bisha Ramadaan, iyadoo caawa lagu dhawaaqi doono markii la arko.
Dadka dalalkaasi ayaa loogu baaqay inay baadi goobaan bisha, kuna wargeliyaan mas’uuliyiinta iyo Maxkamadaha dalalkaasi ciddii aragta, waxayna caawa u tahay dalalkaasi 30-ka Bisha Shacbaan.
Dhinaca kale dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Masar, Ciraaq, Baxreyn, Lubnaan ayaa xalay sheegay inay maanta oo Khamiis ah u tahay 30-ka Shacbaan, taasoo ka dhigan in Jimcaha ay tahay maalinta koowaad ee Ramadaanka.
Waxaa la saadaalinayaa inay Berri oo Caawa Jimce ah ay bilato bisha Ramadaan, taasina ay keento midnimo lagu wada soomo guud ahaan dalalka Islaamka.