Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaray magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya inay maleeshiyo ka tirsan kooxda Alshabaab ay gudaha u galeen magaaladaasi.
Magaalada Marka yaa saaka waxaa weerar ku qaaday magaalada Marka, kadib markii ciidamada dowladda iyo maamulka Koonfur Galbeed ay isaga baxeen shalay galabnimadii, waxayna wararku sheegayaan inay magaaladaasi faaruqiyeen magaalada sababo aan la ogeyn.
Wararka hadda naga soo gaaray m agaalada ayaa sheegaya in Alshabaab ay gudaha ugu jiraan magaalada dadweyne qaarkood ayaa isu soo baxay iyagoo wata calanka Alshabaab.
Qeyb Bari iyo qeybo kale oo ka mida ayaa waxaa hadda gacanta ku haya kooxda Alshabaab…
Wixii kasoo kordha la soco…..
Wadani.com