Xildhibaannada Golaha Shacabka oo goor dhoweyd ansixiyay heshiis maxaabiis isweydaarsi ah oo ay galeen dalalka Somalia iyo India.
Kulankii maanta ee xildhibannada ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ayaa ansixiyey heshiiska isu celinta Maxaabiista ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo India.
161-mudane oo kulanka goob joog ahaa ayaa wada ogolaaday heshiiska, mana jirin wax mudanayaal diiday iyo kuwa ka aamusay, iyadoo lagu dhawaaqay inuu heshiiskaasi ansax yahay.
Heshiiskan waxaa Golaha Shacabka hor geeyay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya isagoo u gogol xaaraya in maxaabiis burcad badeednimo ugu xiran dalka India oo Soomaali ah la keeno Soomaaliya.