Warakii ugu danbeeyay ee laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in wafdigii Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Somalia Cabdi Maxamed Sabriye uu goor dhoweyd ka degay magaalada Dhuusamareeb.
Wafdiga oo ka dhoofay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka hor yimid inay tagaan magaalada Dhuusamareeb madaxweynaha Galmudug Axmed Duceela Geelle Xaaf oo ciidamo taageersan u diray garoonka magaalada, balse waxaa arrintaasi faragelin ku sameeyay madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo halkaasi ka saaray ciidamadii Xaaf taageersanaa, isla markaana suurageliyey inay gaaraan wafdigii Wasiir Sabriye.
Madaxda Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa ku kala aragti duwan qaabka loola tacaalayo dowladda Somalia. Qeybta Ahlu suna ayaa la sheegay inay ogol yihiin waanwaan iyo dood ay la galaan xukuumadda iyo Wafdiga Wasiirka, halka Madaxweyne Xaaf uu si weyn uga hor yimid.
Wafdiga wasiirka Arrimaha gudaha waxaa garoonka Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay xubno ka tirsan Ahlu suna, sarakiil ka socotay xukuumadda iyo Madaxtooyada maamulkaasi.



