Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar xoog leh oo Alshabaab maanta ku qaadeen Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo ku sii jeeday magaalada Jowhar.
Kolonyadan oo sahay u siday ciidamada AMISOM ayaa ka koobneyd gaadiid badan oo xamuul siday iyo ciidamo ilaalo ka ahaa oo kasoo jeeda dalka Brundi, waxaana halkaasi ka dahshay qasaare kala duwan iyadoo la gubay inta badan gaadiidkii xamuulka siday, laguna fasaxay dadkii degaankaasi.
AMISOM ayaa sheegtay war kooban oo ku saabsan in la weeraray Kolonyo AMISOM ah oo u socotay Jowhar, laguna galay halka loo yaqaan Gololey oo u dahxeysa Balcad iyo Garsaale, halkaasoo loo diray gurmad, mana sheegin AMISOM wax faahfaahin ah oo ku saabsan qasaaraha gaaray.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Drundi Gaston Sindimwo ayaa sheegay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada Brundi lagu dilay weerarkaasi, sida ay kasoo xigatay VOA-da.