Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa amar degdeg ah kasoo saaray howlgal ciidamo ka fuliyeen Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).
War kooban oo madaxooyada Soomaaliya baahisay ayaa u qornaa: “Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka inuu baaritaan degdeg ah ku sameeyo falkii sharci darrada ahaa ee lagu galay hoyga Senator Cabdi Qaybdiid. Cid walba oo ku lug yeelata waxaa lala tiigsan doonaa sharciga..”.
Amarkan ayaa soo baxaya kadib markii ciidamo ka mida kuwa uu tababarray Imaaraadka ee Muqdisho ku sugan ay howlgal ka fuliyeen Guriga Cabdi Qeybdiid maanta xilli uu ka maqnaa iyagoo ka qaatay Qoryo iyo Mobile-ada gacanta.
Arrintan ayaa u muuqata mushkilad cusub oo ay la yimaadeen ciidamada Soomaalida ah ee Imaaraadku ku tababarray Muqdisho ee hoos taga saraakiisha Imaaraadka.