War cad oo kasoo baxay Guddiga Somalia u qaabilsan Mareykanka ayaa lagu amray muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan magaalada Muqdisho inay degdeg uga baxaan magaaladaasi.
Qoraal ay baahiyeen guddiga diblomaasiyadda Mareykanka ee Soomaaliya qaabilsan ayaa lagu sheegay inay jiro halis dhinac ammaanka ah oo ku wajahan muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana muwaadiniinta Mareykanka ee aan muhiimka ahayn lagu amray inay ka tagaan Muqdisho ilaa amar danbe.
Waxaa dadka Mareykanka ah ee ku sugan Muqdisho loo sheegay in xaaladda ammaanka ay tahay mid halis ah ayna isha ku hayaan warbaahinta gudaha, ayna qaataan tallaabooyin ay ku maareynayaan ammaankooda.
Digniinta Mareykanka uu siiyay muwaadiniintiisa ku sugan Muqdisho ayaa ah tii ugu adkeyd ee dhowaanahan soo baxda, waxaana halis amni ee looga digay dadka Mareykanka ah ay salka ku heysaa dhaqdhaqaaqyada kooxda Alshabaab, sida ay sheegeyso digniin hore oo Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka soo saarto.
DIB U SIXID:
Guddiga diblomaasiyadda Mareykanka ee Soomaaliya qaabilsan ayaa dib u sixid ku sameeyay qoraalkii uu maanta soo saaray, wuxuuna dadka lagu amrayo inay ka baxaan Muqdisho ku sheegay inay yihiin shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee shaqaalaha Mareykanka.