War goor dhoweyd kasoo baxay Maxkmadda Caalamiga ah ee Cadaaladda Adduunka ICJ) ayaa lagu go’aamiyey in dib loo dhigo dhageysiga Kiiska Dacwadda Badda ee Somalia iyo Kenya oo lagu waday in 9-ka Bishan uu dib uga furmo xarunta Maxkamadda ee magaalada Hague dalka Netherlands.
Qoraalka Maxkamadda ICJ ayaa lagu caddeeyay in dhageysiga Dacwadda dib loo dhigay muddo laba bilood ah, iyadoo dacwadda labada dal la muddeeyay in la dhageyso 4-ta bisha Novembar, taasoo ka dhigan in Maxkamadda ay diiday dalab dowladda Kenya gudbisay ee ahaa in muddo sanad ah dib loogu dhigo dacwadaasi.
Safiirka Somalia u fadhiya Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi oo Somalia ku howlan kiiskan ayaa xaqiijiyey warkan, kadib markii ay Maxkamadda ICJ go”aankan soo gaarsiisay, waxaana la filayaa inay war saxaafadeed ku soo sarato.
Kenya iyo Somalia ayaa laga rabaa inay u diyaar garoobaan dacwadaasi oo mar kale waqti cusub loo qabtay, iyadoo Kenya ay olole weyn u gashay inay carqalad ku sameyso maxkamadda ICJ.