Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in koox dabley ah yaa goor dhoweyd oo caawa ah ku dileen degmada
Baledxaawo Oday Dhaqameed caan ka ah magaaladaasi oo lagu magacaabo Nabadoon Idiris Cabdi Aadan, iyadoo la dhaawacay 0day kale oo la socday oo isna lagu magacaabo Maxamed C/laahi.
Dadka degmadaasu ayaa sheegyaya in Allaha u Naxariistee nabaddoonka lagu dilay Baar ku aalla Magaalada Beledxaawo oo xilligaasi uu ku sugnaa, markii rasaasta madaxa lagala helay.
Laba nin oo ku hubeysan Bistoolado ayaa rasaas ku furay nabadoonka oo goobta ku geeriyoodag, iyagoo falka dilka ah ka dib goobta ka baxsaday.
Ma jirto cid sheegatay dilka Nabadoonka, waxayna maamulka degmada sheegeen inay Alshabab ka dambeeyay falkan oo sidoo kale lagu dhaawacay nabadoon kale oo ay socdeen, waxaana dhaawaca la geeyay Doolow.
Wadani.com