Taliyayaasha Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdishoi ayaa shaaciyey in kulankii Baarlamaanka ee maanta ay hor istaageen Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo ku xigeenkiisa Mahad Cawad Cabdalla.
Saraakiisha ayaa sheegay in labada mas’uul ay ciidamo aan la garaneyn meel ay ka tirsan yihiin si xoog ah ula galeen xarunta Baarlamaanka, isla markaandanka ay ku xadgudbeen amniga dalka.
Taliyayaasha Nabad Sugidda, Booliska, Milatariga iyo Asluubta ayaa mar qura wada qabtay shirkan waxayka Jawaari iyo Mahad Cawad dusha u saareen wixii maanta ka dhacay xarunta Baarlamaanka, iyadoo sheegay inay baaritaan ku sameynayaan wixii ay ahaayeen Ciidamada ay wateen Jawaari iyo Mahad Cawad.