Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»DHACDO NAADIR AH: “Wasiirka Caafimaadka oo jilbaha qabsatay Oday si wiilkiisa loo badbaadiyo..” [Akhriso]

    DHACDO NAADIR AH: “Wasiirka Caafimaadka oo jilbaha qabsatay Oday si wiilkiisa loo badbaadiyo..” [Akhriso]

    October 20, 20172 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    DHACDO KA MID AH GURMAD QARAN: ‘Markii qaraxu dhacay Ra’iisal wasaaraha Sooomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhowr dowladood la hadlay, una sheegay in gurmad ay u baahan yihiin dadkii ku waxyeeloobay, gaar ahaan mid caafimaad.

    Maalintii ku xigtay dowladda Turkiga ayaa soo jawaabtay, gelinkii dambe ee maalintaas ayaan ogaannay in Turkigu ay maalinta xigta dhaawacyada daran u qaadayaan dalkooda si loo soo daweeyo.

    Dhaawacyadu dhowr Isbitaal ayay ku jireen, Laakin dowladaha dhaawacyada u qaadaya dibadda waxa ay sheegeen in bukaan kasta la soo raaciyo warbixintiisa caafimaad oo ay qorayaan Isbitaal Madiina ama Odogan (Digfeer). Waxaan ku qasbanayn in aan dhaawacyada ugu tagno isbitaallada kale, soo qaadno oo aan keenno Madiina ama Ordogan, marka warbixintiisa la diyaariyo si loo soo qaado.

    Waxaa nala socday, oo isbitaal kasta nala tagayay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Kornayl Koofi iyo howl-wadeennadiisa oo bukaan kasta isla markiiba u sammaynayay Dokoment safar (Travel Document) deg deg ah.

    Dhacdadii iigu yaabka badnayd waxa ay dhacday markii aan Isbitaalka Daaru-Shifa ugu tagnay wiil labada daan ka burburay, dhaawacyo kalena madaxa ka qaba oo uu aabihiis la joogo, wiilkaasi waxa uu ka yaraa 15 sano. Waxa aan u soo bandhignay aabihii in la qaadayo wiilkiisa oo adeeg caafimaad Turkey loogu fidinayo, isaguna uu raacayo.

    Odaygii waa uu diiday arrintaas!, waxa uu noo sheegay in wiilkiisa uu Qur’aan saaranayo, daawada isbitaalka uu joogana ay ku filan tahay. Waa habeenkii 3pm kaddib, aad ayaan u barinnay annaga oo dhowr wasiir iyo xubnaha guddiga gurmadkaba isugu jirna, waa uu naga diiday.

    Bannaanka ayaan uga baxnay qolkii bukaanku jiifay, waxa aan ku tashannay in aan xoog ku wadno wiilka bukaanka ah iyo aabbihii ba, maxaa yeelay wiilku gargaar degdeg ah ayuu u baahnaa.

    Wasiirka Caafimaadka Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa naga codsatay in ay mar kale odayga ku laabato oo fursad la siiyo, kaligeed ayaa qolkii ku noqotay, Jilbaha ayay dhulka dhigatay, waxa ay garka iyo jilbahaba qabsatay Odaygii, ayada oo ilmaynaysa ayay ka bariday in wiilkiisa oo la badbaadin karo loogu qaado caafimaad, waliba uu raaco. Waxa ay u sheegtay in qofka ugu horreeya ee dhibka wiilkani uu damqinayo uu isaga yahay, sidoo kalena haddii la daaweeyo uu wiilkiisii yahay, waa uu aqbalay odaygii baryadaas, wiilki iyo isagaba waxaa loo sammeeyay dokominti safar, waana la qaaday’ sidaa waxaan ka soo wariyay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mukhtaar Daa’uud.

    W/Q: Yuusuf Sh. Ciise

    Dhaawac Fowsiya Abiikar Nuur Gurmad Qiso Cajiib ah Wasiirka Caafimaadka
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSAWIRRO: Dadkii ugu badnaa oo isugu soo baxay Duco ka dhacday Isgoyska Soope ee Muqdisho
    Next Article Sawirradii Xusuusta reebay ee Qarixii Soobe & Jawaaabtii Dadka Soomaaliyeed [DAAWO SAWIRRO]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo