Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, July 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Dhalinyarrada Gurmad Qaran oo howshoodii soo gabagabeeyay & Warbixin ay soo saareen [Akhriso]

    Dhalinyarrada Gurmad Qaran oo howshoodii soo gabagabeeyay & Warbixin ay soo saareen [Akhriso]

    October 25, 20174 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kooxda dhalinyaradda la baxday Gurmad Qaran oo curatay kadib markii uu dhacay qarixii sababay musiibadii qaran ee ka dhacay isgoyska Zoobe 14-kii Oktoobar 2017 ayaa xalay soo afjaray howshoodii.

    Kooxdan oo ahayd dhallinyaro Soomaaliyeed oo gartay inaysan gacmaha ka laaban dhibka dhacay iyo gurmadka loo baahan yahay in loo fidiyo dadka ku wax yeeloobay ayaa u howlgalau sida soo socota.

    1. Kooxda caafimaadka ee dhawacyada geynaya isbitaalada, dhiig shubistana ka qeybqaadanaya ama la soconaya xaalka kusoo kordha isbitaalada oo dhimasho ama dhaawac leh.

    2. Qeybta telefoon ka qabashada dadka eheladooda ku waayey dhibka dhacay, oo ah meel lagala socon karo baaxada dhibkaasi leeyahay.

    3. Qeybta daawo i geynta isbitaalada iyo raashin u qeybinta goobaha ay ka socdaan gurmadka, taasi oo runtii aheyd arrin aad u culus.

    4. Sameynta baraha bulshada lagula xiriiro ee internetka, kuwaasi oo qeyb ka qaadanayey isku xirka Soomaalida dibada iyo kuwa gudaha, sidoo kalana fududeynayey in lagu raadiyo xogta dadka lagu weysanaa musiibadaasi.

    5. Xarunta ugu danbeysa waxay aheyd mida kala shaandheyneysa xogta laga kala helayo isbitaalada iyo dhanka telefoonada ay soo dirayaan dadka ehelkooda weysan.

    Howshaasi socotay muddada todobaadka ah ayaa waxaa kasoo baxay tilaabooyin wanaagsan oo dadka iyo dalkaba u noqday rajo gelin wanaagsan iyo in isku gurmadka dadkeena ka dhex jira. Gaar ahaan labadan qodob;

    1. Ka dhiidhinta wixii dhacay dal iyo dibad

    2. Caawinta walaalaha dhibka uu gaaray, taasi oo ah farriin muujineysa in aan shacabka la niyad jabin karin mid u direysa dhagar-qabayaasha qaraxaasi maleegay.

    Sida aad la socoteena xaruntan Gurmad Qaran ee aan hadda idin kula hadleyno waxaa ay kulmisay madax iyo shacab, kuwaasi oo naga sugeyey diiwaanka dadka ku waxyooloobay dhibkaasi iyo sida ugu habboon ee loo caawin karo.

    Haddaba sida uu kala ahaa khasaarihii dhacay iyo dadka uu kala gaaray ayaan galabta idin la wadaageynaa:

    1. Waxaa geeriyooda la hubiyey oo dadkooda aasteen 189 qof, kuwaasi oo kala ahaa 146 oo rag ah iyo 40 haween ah.

    2. Waxaa dadkooda aysan nolol iyo geeri ku arag oo ay weysan yihiin 225, kuwaasi oo gobolku sheegay inuu 169 ka mid inuu aasay, waxaana ay kala yihiin ; 183 rag ah iyo 49 dumar ah.

    3. Waxaa ku dhaawacmay qaraxaasi 228 guud ahaan, kuwaasi oo 122 ka mid ah loo qaaday dibada, oo la kala geeyey dalalka kala ah ; Sudan 80, Turki 35 iyo Kenya oo la geeye 7 dhaawac ah, Dalalka Jabuuti iyo Mareykanka ayaase gurmad daawo iyo dhaqaatiir ina soo gaarsiiyey.

    4. Waxaa isbitaalada isaga baxay 99 qof, halka ay wali jiifaan 7 ka mid ah dhaawacyadii Muqdisho.

    Haddaba marka la isku darayo geerida dadkooda xaqiijiyeen iyo mida gobolka inoo xaqiijiyey oo ay duugeen, balse dadkooda uu weysaa ayaa isku ah 358 qof, halka ilaa hadda la weysan yahay 56 qof oo kale.

    Waxaana dhibka meeshaasi dhacay ee leh dhimasho iyo dhaawac isku noqonayaan 642 qof, oo mudan in guryaha geeridu gaartay in loo tacsiyeeyo, oo lala qeybsado murugada heysa, sidoo kalana inta dhaawacantay in loo gurmado oo garabkooda la istaago.

    Howshii Gurmad Qaran aan u heynay haddii aan nahay dhallinyarada Soomaaliyeed wajigii koowaad halkan ayaan kusoo afmeernay, waxaana diiwaanka aan ka sameynay dadka dhibka uu gaaray iyo sida caawinta loo gaarsiin karo ku wareejineynaa caawa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, taasi oo noqoneysa diiwaankii ugu horeeyey ee laga sameeyo qaraxyada ka dhacay dalka Soomaaliya.

    Ugu danbeyn, waxaa halkan uga mahadcelineynaa dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee howshan gacanta ka geystay iyo qeybihii nala shaqeeyey inta aan wadnay howlaha gurmadka, sida Dowlada Soomaaliya oo guddi wasiiro oo aan wada shaqeyno inoo soo dirtay, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo iyagana inoogu yimid xarunta gurmadka Qaranka, islamarkaana na dhiirigeliyey howsha aan Qaranka u heyno. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane, Thabit Ab oo isagana habeen iyo maalin aan ka maqneyn goobaha gurmadka qaranka. Shirkada Hormuud na siisay korontada iyo internetka xarunta Gurmad Qaran, iyo lacag 10,000 oo ay inoogu deeqday, taasi oo aan ugu sii deeqnay sanduuqa dhaqaalaha gurmad Qaran.

    Waxaana dhallinyarada Gurmad Qaran oo ku hadleysa codka guud ahaan laamaha kale ee dunida ee nala qaatay magaca gurmad qaran muujineynaa in aan diyaar u nahay caawinta dalkeena, sidoo kalana waxaan ku baaqeynaa in markii wax dhaco lagu soo kicin, ee la sameeyo dariiqooyin looga gaashaanto dhibka iyo marka uu dhaco xarun qaabilsan u gurmadka dhibkaasi dhacay, taasi oo ay u diyaarsan yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed ee diyaarka u ah dalkooda.

    Codsi: Waxaan si walaalnimo ah idin ka codsaneynaa in aad la sii shaqeysaan guddiga dhaqaalaha ee gurmad Qaran, kuwaasi shaqada sii wadi doono, islamarkaana wixii aad bixisaan ehelada dhibku gaaray gaarsiin doono.

    Gurmad Muqdisho Qaraxii Soope
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddoomiya ku xigeenka Barlamanka Galmudug oo fasax u diray Xildhibaanada Maamulkaasi [Akhriso]
    Next Article Askar ka tirsan AMISOM oo lagu dilay Weerarkii Carbiska & Wararkii ugu danbeeyay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo