Dowladda Ingiriiska ayaa si toos ah ugala hadleysa madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya arrimaha shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya, kana dhici doona magaalada London.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowlada ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Divid Concar oo ugu yeeray xarunt safaaradda UK ee Muqdisho.

Dhinaca Siyaasadda ayay sidoo kale Mas’uuliyiintu ka wada hadleen sidii loo tageeri lahaa Dowladda cusub ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi “Farmaajo”.
Safiirka Ingiriiska ayaa maamulka Jubbaland u gudbiyay codsiga dowladda Ingiriiska ee ah inuu maamulkooda ka qeyb galo Shirka London ee horaanta Bisha May ka furmaya Magaalada London.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaarihiisa ayaa dadaal ugu jira in Soomaaliya shirkaasi uga qeyb gasho hal wafdi oo mideysan isla markaana wata hal qorshe iyo baahi qura oo ka tarjumeysa qorsha dowladda Federaalka.
Wadani.com