Dowladda Itoobiya ayaa deeq Dawo ah oo loogu talogalay dadkii ku dhaawacmay Qarixii Muqdisho gaarsiisay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Diyaarad sida daawo dhan 8 tan ayaa ka degtay magaalada Muqdisho maanta iyadoo ay halkaasi ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ay horkaceyso Wasiirka Caafimaadka Dowladdda Soomaaliya Fowsiya Abuukar oo lagu wareejiyay deeqda Daawada ah ee ka timid Itoobiya.
DHINACA SARE KA DAAWO DEEQDA ITOOBIYA
Itoobiya ayaa ka mid noqotay dalalka deeqaha u fidiyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Muqdisho, iyadoo hore ay deeq dalka soo gaarsiiyeen dalalka: Turkiga, Mareykanka, Qatar, Jabuuti, Kenya iyo hay’ado kala duwan.