Dowladda Soomaaliya ayaa maanta la wareegeysa ciidamo lagu tababaray Saldhigga Turkiga ee magaalada Muqdisho, iyadoo la qabanayo xaflad wareejin ah.
Xaflad ka dhaceysa Saldhigga SOMTURK ee magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo halkaasi lagu soo bandhigi doono ciidamada oo hubkooda iyo agabkooda loo dhammeystiray.
Ciidamadan ayaa ah Cutubkii ugu horeeyay ay tababartay Dowlada Turkiga oo si rasmi ah u shaqo geli kara, waxayna ciidamadani qeyb ka noqon doonaan Ciidamada ka howgala gudaha dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa laga codsaday inay la timaado qorshe ay ku howlgalayaan Ciidamada ay tababartay ee diyaarka ah, waxaana la sheegay inuu jiro qorshe loo diyaariyey ciidamadaTurkigu tababaray oo ah kuwo ka duwan ciidamada kale.