Dowladda Talyaaniga ayaa dowladda Soomaaliya ugu deeqday Gaadiid mialteri oo loo soo mariyey howgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Gaadiidka ayaa ka kooban laba baabuur oo kuwa ciidamadu adeegsdaan ku wareejisay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Booliska, waxaana loogu talogalay in loogu adeegsado la-dagaalanka argagixisada.
Munaasabadda gaadiidkaasi lagu wareejiyey waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya, Wakiilka Midowga Afrika iyo madaxda Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya.