Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax maanta ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho xilli uu ku soo jeeday magaalada Muqdisho.
Dadka degaanka ayaa sheegay in gaariga oo kasoo leexday Koontaroolka Siinka dheer, kuna socday xaafad ka tiran degmada Kaxda uu Bacaad galay kadibna markii uu ka bixi waayay uu ku qarxay dadkii saarnaa Gaariga.
Waxaa la sheegay in labo qof ay ku dhinteen Qaraxa, wuxuuna qaraxa ku haleelay Gaariga duleedka Guryo ka sameysan Jiingado o halkaasi ku burburay.
Ciidamada dowladda ayaa sheegtay inay ku daba joogeen Gaariga oo ay ka horteageen, laakiin dadka degaanka ayaa sheegay in markii uu qaraxa dhacay kadib in muddo ah ay halkaasi gaareen ciidamada.