Wasaaradda Ammaanka ayaa faahfaahin ka bixisay howgal ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ay ka fuliyeen Degaanada Garasbaaleey iyo KM 13 ayaa waxaana afhayeenka wasaaradda Amniga uu sheegay inay ahaayeen howlgalladii maanta ku xiriir ah oo qarsoon.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in baaritaanku ahaa mid Qorsheysan oo ciidamada NISA ay gacan siinayeen Dadka Degaanka, laguna soo qabqabtay dhalinyaro lagu tuhunsan yahay inay Xarakada Al-shabaab ka tirsan yihiin. Dhalinyaradaas oo aanu cadadkood sheegin ayuu afhayeen sheegayin baaris lagu hayo oo ciddii ay ku caddaato shabaabnimo sharciga la geyn doono.
Howgallada ka dhacay degaanda duleedka magaalada Muqdisho ayaa ahaa muddooyinkii danbe kuwo joogto ah, waxaana mararka qaarkod ka qeyb qaata madaxda ciidamada sida taliyaha ciidamada nabadsugidda C/raxmaan Tuuryare.
Wadani.com
[ad name=”HTML-7″]