Weerar Qarax Miino ahaa ayaa lala beegsaday Gaari uu la socday sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowladda, kaasoo u geeriyooday dhaawac culus oo soo gaaray.
Qaraxa ayaa ka dhacay laamiga Cusub ee degmada Deeniile ee Gobolka Banaadir dhex mara agagaarka Ceelka Ifis, waxaana inuu dhaawacii soo gaaray u dhintay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Cali Bariise.
Goobta qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ka muuqday burbur soo gaaray Gaariga sarkaalku watay oo ahaa nooca NISSAN SURFiyo dhiig badan oo ka abxay dadkii la socday, waxaana la sheegay inay sidoo kale ku dhaawacmeen laba askari oo ilaalo u ahayd sarkaalka.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha AMniga iyo maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo isla maanta weerar hoobiye lagu qaaday Xarunta Xalane, balse qasaare dhimasho iyo dhaawac ah kasoo gaaray dad shacab ah.

