Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»FAAQIDAAD: Sidee Mukhtaar Roobow looga reebi karaa Kursiga Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed..?

    FAAQIDAAD: Sidee Mukhtaar Roobow looga reebi karaa Kursiga Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed..?

    November 27, 2018Updated:November 28, 20182 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dadaalkii dowladda Federaalka ugu jirtay inay  doorashada Koonfur Galbeed ka reebto musharaxa Mukhtaar Roobow Cali ayaa fashil ku dhow, kadib markii Guddiga Doorashooyinka ay diideen inay shuruudo cusub soo rogaan mar labaadna la guddoonsiiyey shahaadada musharaxnimada.

    Guddiga cusub ee Doorashada madaxweynaha K/Galbeed ayaa ku adkeystay inuu ku socon doono shuruudihii Guddigii hore dejiyay, isla markaana ay sharci yihiin musharixiinta hore isu diiwaangeliyay oo uu ka mid ahaa Mukhtaar Roobow, taasoo meesha ka saartay qorshihii dowladda Federaalka ugu jirtay in musharaxan doorashada laga reebo.

    Waxaa guuleysan waayey laba qorshe oo dowladda Federaalka uga hor timid musharaxnimada Roobow oo midkood wasaaradda Amniga ay Soomaaliya ay ku diiday musharaxnimadiisa [Akhriso Qoraalka], iyadoo guddigii loo adeegsan lahaana uu ka biyo diiday, taasoo sii adkeysay dagaalkii hoose ee doorashada madaxweynaha K/Galbeed.

    Wararka kale ayaa la helay oo sheegayey inuu socdo qorshe Sheekha lagu doonayo in si hoose looga reebo doorashada, taasoo loo marayo is-faham la mida qorshihii uu isku casilay Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana muuqata inay arrintaasina socon weyday oo Sheekhu ku adkeysatay musharxinimadiisa.

    Shan musharax oo taageeray Sheekh Mukhtaar Roobow

    Waxay xaaladda ka sii dartay markii shan musharax oo ka mid ahaa siyaasiyiin u taagan xilka madaxweynaha K/Galbeed ay ku dhawaaqeen inay u tanaasuleen Mukhtaar Roobow, taasoo culeys kale u yeeshay Sheekha oo hadda looga cabsi qabto inuu soo afjaro rajadii Nabad iyo Nolol ee maamulka K/Galbeed. [Akhi warkan].

    Mukhtaar Roobow oo markii hore ay qaar ka mida dowladda Federaalka geeyeen Baydhaba, kana danbeeyeen musharaxnimadiisa ayaa hadda noqday caqabadda ugu weyn ee  kugudban qorshaha madaxda dowladda Federaalka ku doonayeen inuu maamulka K/Galbeed madaxweyne ka noqdo musharaxa ay wataan C/casiis Lafta-gareen.

    Wadaadka Mukhtaar Roobow wuxuu noqday musharax heysata shacbiyad, isla markaana ay taageereen dhammaan intii ka horjeeday qorshaha Villa Somalia la damacsan tahay maamulka Konfur Galbeed.

    Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) Musharax madaxweyne- Maamulka K/Galbeed

    Qorshaha kaliya ee haray waa in Mukhtaar Roobow lagu reebo awood ciidan ama gacan ka hadal, taasoo haddii ay dhacdo fashil weyn keeni doonta, iyadoo taageerayaal aan dab yar shideyn ay Sheekha u joogaan Baydhaba.

    Fashil ku yimaada qorshaha madaxda dowladda Federaalka iyo musharaxooda C/casiis Lafta-gareen wuxuu ka dhigan yahay jug xoog leh oo soo gaartay dagaalkii ay Villa Somalia kula jirtay madaxda maamul Goboleedyada., waxaana loo arkaa inuu madaxda maamul Goboleedyada kusoo biiri doono wadaad ka darran Axmed Madoobe.

    GOOBJOOGE.NET

    Baydhaba Doorashada K/Galbeed Roobow Sheekh Mukhtaar Roobow Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaamulka Gobolka Nugaal oo Amarro ku soo rogay Musharixiinta Madaxweynaha ee Puntland [Akhriso]
    Next Article Xildhibaan C/llaahi Max’ed Nur: “Aniga kuma jiro dadka u nugul hanjabaadda, waxaana handadaad ka helay..”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo