Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Tooshka GJ»FADEEXAD: Wasaaradda Amniga oo dafirtay dhimasho & dhaawac ay dhaliyeen madaafiicdii maanta

    FADEEXAD: Wasaaradda Amniga oo dafirtay dhimasho & dhaawac ay dhaliyeen madaafiicdii maanta

    February 26, 2015Updated:February 26, 20153 Mins Read Tooshka GJ
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasaaradda Amniga gudaha ayaa fadeexad culus ku soo baxday kadib markii ay inkirtay khasaarihii ka dhashay weeraro madaafiic ah oo maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada Villa Somalia iyo agagaarkeeda. Warsaxaafadeed lagu sheegay inuu ka soo baxay Wasaaradda Amniga gudaha oo lagu soo xigtay Wasiirka wasaaradaasi C/risaaq Cumar Maxamed ayaa lagu sheegay inaysan wax khasaare ah ka dhalan weeraradaasi ayna ahaayeen dheemish iyo been abuur.

    fadeexad

    [ad name=”HTML-2″]

    Wadani.com ayaa soo xaqiijiysay inuu ugu yaraan madfac ku dhacay hoyga ay degan tahay xildhibaanad Fowsiyo Maxamed Sheekh uu geystay khasaare dhimasho ah, waxaana ku naf waayay madfacaasi askari ka tirsan ciidamada dowladda oo ilaale u ahaa xildhibaanada kaasoo lagu magacaabi jiray Ibraahim Macalin Cali (Qooshow).

    Askariga dhintay wuxuu ka mid ahaa ciidamo xul ah oo ka tirsan ciidamada Milateriga dowladda Soomaaliya, wuxuuna tababar ku soo qaatay dalka Talyaaniga oo dhowaan uu ka soo laabtay. waxaa geeridiisa sababay madfac ka mid ahaa laba madfac oo ku soo dhacay guriga xildhibaanada barxadiisa, isagoo ka haleelay dhabarka oo firir xoog leh ka gaaray taasoo keentay inuu u geeriyoodo.

    Dhinaca kale waxay madaafiicda maanta dhaliyeen khasaare kale oo dhaawacyo kasoo gaareen laba askari iyo xildhibaan hore oo lagu magacaabo Axmed Xaashi oo firir ka soo gaaray. Baabuur badan oo dad kala duwan ay lahaayeen ayaa iyaguna khasaare lixaad leh ka soo gaaray madaafiicdii maanta oo Alshabaab ay sheegatay inay ka dambeysay.

    Allaha u naxariistee Askarigan qiimaha u lahaa dowladda Soomaaliya waxaa meydkiisa la geeyay Isbitaalka Imaaraadka ee ku dhex yaala Madaxtooyada, waxaana wax laga xumaado ah oo dembi  iyo fadeexad noqonaya in wasiir ka mida xukuumadda iyo wasaaradii Amniga Dalka ay inkiraan dhimashada iyo dhaawaca muwaadiniintaas qaaliga ah oo haddana ka mida ciidamada dowladda, isla markaa dafiraan wixii dhacay oo dhan, halkii ay wax uga qaban lahaayeen.

    Waxaa sidoo kale xaqiiqo ahayd in madaafiicdaasi ay khalkhal geliyeen shirkii Golaha wasiirada oo xilligaas ka socday xarunta Xukuumadda oo mar ku sigtay in la hakiyo. Dowladda Soomaaliya iyo wasaaradda Amniga oo wasiirkeedu ugu horeeyo waxaa looga fadhiyaa inuu arrintan cudurdaar iyo raali gelin ka bixiyo, dibna u saxo khaladkiisa ama ciddii ka dambeysay ee sidaas wax u abaabushay tallaabo cad laga qaado.

    Xukuumadda iyo Ra’iisal wasaaraheeda waxaa iyana laga doonayaa inay la xisaabtamaan wasaaradda Amniga lagana qaado tallaabada ku haboon maxaa yeelay fadeexad heerkan gaarsiisan ma aha mid dowladdu ka aamusi karto, dadkuna ugu dulqaadan karaan inay ka timaado hay’adihii loo igmaday inay ilaaliyaan amniga dadka iyo dalka.

    HOOS KA AKHRI WARSAXAAFADEEDKA WASAARADDA EE RADIO MUQDISHO BAAHIYAY

    warsaxaafadeed

    Wadani.com

    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

    [ad name=”HTML-5″]

    C/risaaq Cumar Maxamed FADEEXAD Wasaaradda Amniga
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxaad ka taqaan Madaafiic Dheemish ah?: Xaaladda Wasaaradda Ammaanka oo dib ugu laabatay xilligii Kumeelgaarka
    Next Article XOG: Ubax Tahliil oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh & shirka Dhuusamareeb oo kasii baxaya gacanta dowladda

    Related Posts

    Wasiir Roobow: “Muqdisho ma aha Kaabul iyo Dimishiq, Axmed Diiriye-na ama Axmed ASharaca Syria”

    March 9, 2025

    Qodobadda War-murtiyeedka Shirkii Madasha Qaran & Muddo Kordhinta Maamul Goboleedyada

    October 31, 2024

    Isbedel ku yimid Xukuumada Somaliya (Magacyada RW ku xigeenka cusub iyo Wasiirada la magacaabay)

    October 22, 2024

    Golaha Wasiirada oo ansixiyay Magacaabista Laba Safiir oo cusub (Akhriso Magacyada)

    September 18, 2024

    Wadahal Xasaasi ah oo Baydhaba uga socda Ra’iisal Wasaare Xamse iyo C/casiis Lafta-gareen

    September 11, 2024

    Dahab-Shiil iyo Shirkado kale oo Amar lagu siiyay inay magaca ‘Somaliland’ ka saaraan Barahooda

    August 24, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo