Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah u bilaabay la-tasiyada ku saabsan magacaabidda Ra’iisal wasaaraha.
Kulankii ugu horeeyay ayaa caawa xarunta madaxtooyada ku dhex maraya madaxweyne Farmaajo iyo beesha Muddulood oo ka mida beelaha waaweyn ee jagadan xusul duubka ugu jirta.
Beelaha xilkan raadinaya waxaa ka mida: Mudulood, H/Gidir, Murusade, Xawaadle iyo Sheekhaal oo dhammaantood culeys ku saaray madaxweyne Farmaajo in qof ka mida uu xilkaas u dhiibo
Madaxweynaha ayaa hore ugu sheegay beelo iyo shaqsiyaad xilkan ka doontay inuu la-tashiyada bilaabi doono marka uu xilka la wareego, waxaana xilkani uu noqday mid si weyn la isugu heysto.
Beesha Hawiye oo awood qeybsi ahaan u leh xilkan ayaa madaxweynuhu ku qabsan yahay inuu qof ka tirsan beeshaasi u magacaabo xilkan, waxaana jira musharaxiin sheegay in laga ballanqaaday.
Wadani.com