Wararka laga helayo degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ay rasaas ku fureen caawa gaari ay la socdeen dad shacab ah.
Falkan ayaa ka dhacay Agagaarka SOS, kadib markii Ciidamo saarnaa Gaari Cabdi Bile ah ay rasaas ku fureen gaari Caasi nooca HOMEY ah oo ay la socdeen dad ka mid ahaa baabuur aroos galbineysay, waxaana ku geeriyooday qof iyadoo 6 kale ay ku dhawacmeen.
Wararka ayaa sheegaya in dadka Gaariga Caasiga ah ku dhaawacmay ay u badan yihiin haweenkii galbinayey arooska, waxaan dhaawacooda la dhigay isbitaalka Medina ee magaalada Muqdisho.
Hay’adaha amniga iyo maamulka degmada Hilliwaa ayaan wax war ah kasoo saarin falkan iyo ciidamada ka danbeeyay heybtooda.
SAWIRRO