Maamulka Jaamacadda Benadir ee magaallada Muqdisho ayaa shaaciyey inay geeriyootay gabar ka tirsaneyd Jaamacadaasi, qeybta caafimaadka oo ay dhowaan dhaawacmeen ciidmada dowladda.
Maryan Maxamed Xersi ayaa saakay ku geeriyootay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, waxayna u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray rasaas ay fureen askar hubeysan oo Isgoyska Foleransa ee magaalada Muqdisho 11-kii Bishan Disembar 12-2021 xilli habeennimo ah oo ay la socotay Mooto Bajaaj.
Marxuumadda ayaa xilliga rasaasta lagu dhaawacay ka timd isbitaalka Aadan Abdulle Hospital halkaas oo ku qaadaneysay internaship.
Gabadhan dhalinyarrada ah ee Maryan ayaa ka mid aheyd Ardayda Kulliyadda Caafimaadka iyo Qaliinka, waxayna ku jirtay sanadkeedii ugu dambeeyay ee waxbarashadda, sida ay sheegeen maamulka Jaamacadda Banaadir .
Gudoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Xassan (Biday) Gudoomiye kuxigeenada Jaamacadda, dhammaan Hormuudyada Kuliyadaha, Maamulka, Macalimiinta, Shaqaalaha iyo Ardayda Jaamacadda Benadir, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada iyo qoyskii ay ka baxday Maxuumad Maryan Maxamed Xersi.
